Related Content
Press Release
Wasaaradda Cadaaladda ayaa ku dhawaaqday bilawga Hindisaha marin-u-helidda Luqadda ee Sharci Fulinta, dadaal heer qaran ah oo lagu caawinayo hay’adaha Sharci Fulinta si ay u gutaan waajibaadkooda oo ay u siiyaan kaalmo luuqadeed oo macno leh shaqsiyaadka leh aqoonta xadidan ee afka Ingiriiska (LEP). Hindisaha ayaa dhisi doona shaqada soo jireenka ah ee wasaaradda si loo hubiyo in hay’adaha sharci fulinta ay u hogaansamaan waajibaadkooda luqadda.
Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud Kristen Clarke ee Wasaaradda Cadaaladda Qaybta Xuquuqda Madaniga ah (Justice Department’s Civil Rights Division) ayaa tiri, “Siinta hay’adaha fulinta sharciga agabka ay u baahan yihiin si loo hubiyo helitaanka luuqad waxtar leh oo macno leh waxay kor u qaadaysaa badbaadada weyn ee dadka aqoonta kooban ee afka Ingiriisiga.” “Waxaan awood u yeelan doonaa inaan la wadaagno sida ugu wanaagsan marin-u-heliida luuqad, iyo sida ugu haboon ee loo adeegsan karo hay’adaha fulinta sharciga ee dalka oo dhan anagoo adeegsanayna hindisahan.”
Hindisaha waxaa hogaamin doona Qaybta Xuquuqda Madaniga ee Isku Duwidda iyo Dhaqangelinta Dawladda Federaalka (Civil Rights Division’s Federal Coordination and Compliance) iyada oo lala kaashanayo Xafiisyada Qareenada Maraykanka (U.S. Attorneys’ Office). Gaar ahaan hindisaha:
Ka sokoow ku dhawaaqista hindisaha manta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Xeer Ilaaliya Mareykanka ee Degmada Colorado (U.S. Attorney’s Office for the District of Colorado) waxay ku dhawaaqeen heshiis lagu xallinayo baaritaanka eedeymaha ah in Booliska Denver ay takoor ku saleysan tahay asalka qaran ee shaqsiyaadka LEP (dadka aqoonta ingiriisiga xadidan) ee xadgudubka xeerka Title VI of the Civil Rights Act of 1964. Xeerka Title VI wuxuu mamnuucayaa midabtaakoorka midabka iyo asalka qaran ee dadka qaata kaalmada maaliyadeed ee federaalka.
“Matthew Kirsch, Xeer Ilaaliya Mareykanka oo ah Ku Simaha hoos yimaada Maamulka uu bixiyey xeerka 28 U.S.C 515 ee Degmada Colorado wuxuu yiri, “Heshiiskan lala galay Booliska Denver wuxuu ka caawin doonaa saraakiisha booliska inay qabsadaan shaqadooda.” Wuxuu kaloo yiri, “Hadday samaynayso wacyigelin bulsho ama la xirayo shaqsiyaadka lagu eedeeyay inay sharciga jabiyeen hubinta helitaanka diyaarka ah ee adeegyada luuqadda saxda ah waxay awood u siinaysaa saraakisha inay u adeegaan oo ay ilaaliyaan dhamaan xubnaha bulshada iyadoon loo eegayn aqoonta Ingiriisiga.”
Wasaaradda Cadaaladda ayaa bilowday baaritaanka ku saabsan Booliska Denver ka dib markii xubnaha bulshada ay walaac ka muujiyeen dhacdooyin ku lug leh dadka Burmese iyo Ronhingya ku hadla ee ah LEP (dadka aqoonta ingiriisiga xaddidan) ee ku nool agagaarka East Colfax ee Denver. Baarintaanku wuxuu daaha ka qaaday tusaalayaal badan oo saraakiisha booliska Denver ay ku guuldaraysteen inay bixiyaan caawinta luuqadda shaqsiyaadka LEP (dadka aqoonta afka ingiriisiga xaddidan) ama ay bixiyaan caawimaad luqadeed oo aan waxtar lahayn ama aan haboonayn. Tusaale ahaan, baarintaanku wuxuu daaha ka qaaday xaaladaha carruurta, xubnaha qoyska iyo dadka ag jooga lagu tiirsaday caawinta luuqadda oo ay ku jiraan xaalado ay aheed in la bixiyo gargaar luqaddeed oo la isku haleyn karo oo macquul.
Iyada oo qayb ka ah heshiiskan xaalbixinta Booliska Denver wuxuu ogolaaday inuu hirgeliyo isbeddelo taxane ah oo lagu sameeyo helitaanka adeegyada luuqadda, nidaamyada iyo tababarka oo ay ku jiraan:
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qaybta Xuquuqda Madaniga (Civil Rights Division) ah ayaa laga heli karaa shabakadeeda www.justice.gov/crt iyo macluumaadka ku saabsan aqoonta ingiriisiga xaddidan (limited English proficiency) iyo xeerka Title VI waa laga heli karaa www.lep.gov.
Xubnaha dadweynaha waxeey u tebin karaan xadgudubyada xuquuqda madaniga https://civilrights.justice.gov/report/